Dr:Rashiid shiikh Maxamed (Danjire)
Heshiiska lagusaxiixay xarunta ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis ababa,ayaa ahaa mid in muddo ah ay foolinayeen,beesha caalamka,deeq bixiyayaasha,ururka midowga Afrika iyo bulshada Soomaaliyeedba.
Shirka oo soomaray marxalado kaladuwan,kanasoogudbay caqabado farabadan, inbadana laysku dayay in lafashiliyo,ayaa hadda kagudbay caqabadii kowaad laguna saxiixay heshiis hor dhac ah.
Dowlada oo shirka ugu kala qaybsan laba qaybood, oo ay kala hogaaminayaan,Madaxwayne Shariif iyo Ra’iisul wasarae Sharmaake,ayaa warar xog ogaalihi sheegayaan in Madaxwaynuhu kabiyadiidsanyahay hab maamuuska sare ee beesha caalamku siisay Ahlusunna.taasoo u arko Madaxwaynuhu in ay tahay awood u kahor imaankarta diciifinkartana hanaankiisa dowladeed.
Madaxwaynaha waxaa aragtidaan laqaba, Shariif xasan oo ah ninka dhinaca Dowlada u saxiixay heshiiska, ahna nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxwaynaha,Cabdulqaadir Cali cumar wasiirka arimaha gudaha iyo janaqow,oo laguwado in ay kamid noqdaan xubnaha dhamaystirka heshiiska kusoobiiraya maalmaha soosocda.
Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa kudhaqaaqay talaabooyin dhowr ah oo fashilinkara shirka kuwaasoo ah in uu soo abaabulay kooxo oo uu ugutalogalay in shirka carqaladeeyaan kuwaas oo uu horkacayo Soomow.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa u arka heshiiska Ahlu-sunna mid aad u muhiim ugu ah jiritaanka Dowladiisa iyo waxwada qabsi waara.
Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa garab kahaysta xubnaha baalmaanka qayba badan oo ah, Cabdi Shakuur oo ah wasiirka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah,jingali wasiirka arimaha dibada,gudoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan madoobe.
Hab maamuuska beesha caalamku siisay Ahlu-sunna ayaa ahaa mid aad u sareeya, waana midda uu kabiyodiidsanyahay Madaxwaynuhu.
Beesha caalamka ayaa bilihii ugudambeeyay indhaha kuhayey howlgalada Ahlu-sunna ugasifaysay kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul islaam guulo lataaban karana kasoohoysay dagaalkii ay lagaleen.
Beesha caalamka oo kaquusatay, waxqabadka dowlada KMG ah maal iyo mood badana kubixisay taagerada aysiiso, ayaa hadana dowladu u muuqataa mid aan soosocon.
Qaramada midoobay ayaa todobaadki hore canbaarayn dusha ugatuuray Dowlada Shariif kuna tilmaantay Ciidamada iyo maamulka Dowladaba kuwa faashiliin ah.
Waxay beesha caalamku isbarbardhig u samaysay howlgalada Dowlada iyo kuwa Ahlu-sunna.kadibna qiimayn gaara siisay in Ahlu-sunna beesha caalamku siyaasiyan iyo dhaqaala ahaanba u taageerto.
Ahlu-sunna oo kuguulaysatay garabkii hubaysnaa ee ciidan noqotayna awooda Soomaaliya ee maanta,ayaa marlabaad soo jiidatay indhaha caalamka halmarna kasoomuuqatay garoomada caalamiga ah ee siyaasada.
Warar hoose oo ila ku dhow dhow Madaxwaynaha lagahelayo ayaa sheegaya in Madaxwayne Shariif uusan ku qanacsanayn hab maamuuska sare ee beesha caalamku siisay Ahlu-sunna uuna raadinayo hab uu uga baxo heshiiska kuna fashiliyo.tasoo hadii uu kutalaabsado kunoqonkarta dharbaaxo siyaasadeed oo uga timaada beesha caalamka,deeq bixiyayaasha iyo waliba Ururka Midowga Afrika oo ah halka kaliya oo ay kaneefsato dowladiisu.
Dhagaraha qarsoon ee shirka ugu wayn ayaa noqonkara shirqoolka uu hadda shirkii oo cardun ah maleegayo Madaxwayne Shariif iyo beesha caalamka oon taageera gaara siinin Ahlu-suuna si ay u siidardargaliso howlaha nabad kusoodabaalista dalka.
Iskusooduube qiimaynta kowaad ee Shirka ayaa ah in Ahlu-sunna ay guulo siyaasadeed kasoohoysay iyo aqoonsi caalami ah.halka Dowladu ay shaki kamuujinayso habmaamuuska lasiisay Ahlu-suna,waxaase maalmaha soosocda kadhursugaynaa dhamaystirka hanaanka guud ee heshiiska iyo himilooyinkiisaba.
Galgaduud;news Agency
|